Gary Neville, halyeeyga Manchester United iyo falanqeeye caan ah, ayaa si weyn u amaanay Bruno Fernandes isagoo sheegay in uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee kooxda leh tayo heer sare ah oo dhab ah.
Neville wuxuu yiri: “Waa ciyaaryahanka kaliya ee dhab ahaan leh tayo aan laga helin inta kale ee kooxda. Tani waxay ka dhigeysaa inuu yahay laacibka kaliya ee ka dhex muuqda kooxda Manchester United ee hadda jirta.”
Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday Sportskeeda, Neville wuxuu tilmaamay in Fernandes uu yahay ciyaaryahanka keliya ee tobankii sano ee la soo dhaafay u soo baxay Manchester United oo gaadhay heer ka sarreeya filashada markii la keenay. Wuxuu xusay in xiddigo badan oo la keenay aysan gaarin heerarkii laga filayay, balse Fernandes uu si weyn u buuxiyay booskaas.
Tan iyo markii uu Bruno Fernandes ku soo biiray Manchester United bishii Janaayo 2020, wuxuu saftay 256 kulan dhammaan tartamada, isagoo dhaliyay 84 gool, isla markaana bixiyay 76 caawin. Tani waxay ka dhigeysaa mid ka mid ah xiddigaha ugu saameynta badan ee kooxda tan iyo bixitaankii Sir Alex Ferguson.
Neville wuxuu intaas ku daray: “Wuxuu mar walba u ciyaaraa si geesinimo leh, boos walba waa laga helaa. Waxa uu mararka qaar la ciyaaraa daafaca, marna khadka dhexe, haddana weerarka — waa ciyaaryahan firfircoon oo ay ku jirto tayo iyo maskax hoggaamineed.”
Inkasta oo Fernandes uu la kulmay eedeyn la xiriirta inuu isku tuuro dhulka marar badan,lana murmo garsooraha. Neville ayaa ku adkaystay in ciyaaryahanku uu yahay mid aad muhiim ugu ah kooxda, xilli ciyaareed walbana la tixgeliyo inuu yahay xiddiga ugu wanaagsan ee United.
Manchester United waxay wajahayaan kulamo adag oo go’aamin doona mustaqbalkooda xilli ciyaareedkan, oo ay ka mid yihiin Arsenal, Newcastle, iyo Chelsea. Fernandes ayaa lagu tashanayaa inuu door hoggaamineed ka qaato dhammaan ciyaarahaas si ay kooxda ugu tartanto boosaska sare ee Premier League.