Taageerayaasha England ayaa ku dhaleeceeyay Gareth Southgate Badalkii ugu xumaa abid ee uu sameeyay kulankii Brazil.
England oo guul raadineysa, tababare Southgate ayaa go’aansaday inuu ciyaarta ka saaro Jude Bellingham daqiiqadii 67aad.
Waxaa lagu bedelay xiddiga West Ham Jarrod Bowen, laakiin labada bedel kale ee uu sameeyay ayaa keentay inay taageerayaasha ku cambaareeyaan.
Daafacyada Harry Maguire iyo Ben Chiwell ayaa garoonka laga saaray waxaana lagu bedelay Lewis Dunk iyo Joe Gomez, kaasoo saftay kulankiisii ugu horeysay ee caalami ah tan iyo bishii October 2020kii.
Waqtigii uu bedelada sameynayay waxaa kursiga keydka fadhiyay James Maddison, Marcus Rashford iyo Ivan Toney laakiin wuxuu ka doorbiday inuu daafacyo soo geliyo ciyaarta.
Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ku dhaleeceeyay Southgate bedelada uu sameeyay, waxayna aamineen inuusan u soo diyaar garoobin inuu ciyaarta badiyo.
Hal taageere ayaa soo qoray: “Waa seddexdii bedel ee ugu xumaa taariikhda kubada cagta.”
Mid kale ayaa hadalkiisa raaciyay: “Bedeladaan? Southgate hamigiisa ma ahan inuu badiyo ciyaarta.”
Mid seddexaad ayaa soo qoray: “Dunk, Gomez iyo Bowen waa seddexdii bedel ee ugu xumaa abid.”
Taageere kale ayaa yiri: “Bedeladaan waa sharafdhac. Wax koob ah kuma guuleysan doono inta uu Southgate joogo.”