Ruben Amorim ayaa ku adkeysanaya in Manchester City ay ku jirto meel ka wanaagsan Manchester United ka hor kulanka derby, inkastoo qaab ciyaareedkoodu hoos u dhac ku yimid kulamadii lasoo dhaafay.
Kooxda Pep Guardiola ayaa badisay kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan marka ay Derby Manchester ciyaarayaan axada, waxaana ay la kulmeen guuldaradii 7-aad kulankii Juventus ee Champions League Arbacadii.
Dhanka kale, United ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaartay Arsenal iyo Nottingham Forest, laakiin waxay kusoo laabteen wadada guusha kadib markii ay 2-1 ku garaaceen Viktoria Plzen ciyaar ka tirsan Europa League khamiistii.
Red Devils ayaa fadhida kaalinta 13-aad ee kala sareynta ka dib 15 kulan oo ay ciyaareen,waxaana ay sideed dhibcood ka dambeeyaan City oo ay wajahayaan.
Amorim ayaa aaminsan in Citizens ay wali tahay kooxda ugu cadcad ee saddexda dhibcood qaadan kara kulanka Etihad Stadium.
Kooxaha waa weyn waxay ka jawaabi karaan daqiiqad kasta dhibkooda, waxaana filayaa inay nagaga fiican yihiin nooca fahamka ciyaarta, qaabka ay u ciyaaraan iyo kalsoonida ay haystaan,” ayuu yiri Amorim.