Chelsea ayaa dalab amaah ah ka gudbisay Douglas Luiz todobaadkii hore, laakiin Juventus ayaa diiday dalabkaas gabi ahaanba.
Sida uu shaaca ka qaaday saxafiga kubada cagta Talyaaniga Ciro Venerato, Chelsea iyo Juventus ayaa ka wada hadlay xaalada ciyaaryahanka intii lagu jiray wada xaajoodkii daafaca da’da yar ee Renato Veiga ugu biiray kooxda ka dhisan Turin amaah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Venerato ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea ay dalab amaah ah usoo bandhigtay Luiz oo ka tirsan kooxda Juventus.
Si kastaba ha ahaatee, Juventus ayaa si cad u sheegtay inay diyaar u tahay kaliya inay iska iibiso xiddiga reer Brazil haddii uu ka tagayo kooxda.
Bianconeri waxay dooneysaa in xiddiga Luiz ku iibiso bishaan qiimo sax ah ka dib markii uu la qabsan waayay kooxda qeybtii hore ee xilli ciyaareedka.
Luiz ayaa Juventus kaga soo biiray Aston Villa xagaagii hore aduun dhan 50 milyan oo euro isaga oo ahaa mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican premier League.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku guuldareystay inuu helo kalsoonida tababare Thiago Motta, isagoo inta badan la dhibtoonayay dhaawac soo gaaray.