Xiddiga RB Leipzig Benjamin Sesko ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday xiisaha kooxaha Chelsea iyo Manchester United si uu ugu biiro Arsenal xagaagan.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Slovenia ayaa la filayaa inuu lacag badan kaga dhaqaaqo kooxda Jarmalka ka dhisan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee soo socda,
Arsenal ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixiisa, iyagoo isha ku haya inay xoojiyaan doorka weerarka kooxda xili ciyaareedka dmabe.
Mikel Arteta ayaa rajeynayay inuu la soo wareego lambarka sagaal sax ah bishii Janaayo, laakiin Gunners ma aysan awoodin inay sameyso wax saxiiix ah, sidaas darteed waxay dib ugu laaban doonaan raacdada ay ugu jiraan Sesko xagaagan.
Alexander Isak, Viktor Gyokeres iyo Ollie Watkins ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan Emirates Stadium suuqii ugu dmabeeyay ee jilaalka.
Si kastaba ha ahaatee Arsenal ayaa dadaal ugu jirta inay dhameystirto saxiixa Sesko, waxaana ay rajeynayaan inay dhawaan soo gabagabeeyaan heshiiska afka ah ka hor inta uusan u dhaqaaqin xagaaga.