Xili ciyaareedka 2024-25 Premier League ayaa la arkay kaliya 21 gool oo lagu dhaliyay kubadaha ka yimaada koornooyinka kadib 758 koorno oo kooxaha sameeyeen 7-da kulan ee furitaanka.
Tani waxay la micno tahay in goolasha ku yimid koornooyinka ay yihiin (2.8%) waana wax ka duwan marka loo eego xilli ciyaareed kasta 10kii sano ee la soo dhaafay.
Ka dib markii xilli ciyaareedkii hore la arkay 4.2% goolasha koornooyinka ku dhashay, xilli ciyaareedkan ayaa la filan karaa isbedel weyn.
Waxa aynu joognaa todobada ciyaarood ee ugu horeeya xilli ciyaareedka, Arsenal iyo Fulham ayaa ah kooxaha sare u kaca ka sameeyay dhalinta koornooyinka.
Taa bedelkeeda hogaamiyaasa Horyaalka Liverpool waxay ku liitaan dhalinta Koornooyinka, waana wax dhibaateyn kara xili ciyaareedkooda.
Arsenal waxay hogaamineysa goolasha ka yimaada koornada. waxayna dhaliyeen 3 jeer 7-da kulan ee furitaanka, taasoo keentay hadalheyn badan maalmihii lasoo dhaafay.
Laba ka mid ah seddexda gool ee ay Arsenal ku dhalisay koornada waxaa madaxa ku dhaliyay Gabriel Magalhães kulamadii Tottenham iyo Manchester City.
Manchester City waa mid ka mid ah lix kooxood oo laba koorno dhaliyay, laakiin waxaa xusid mudan inay heleen koornooyinka ugu badan xilli ciyaareedkan Premier league.
City waxay heshay 46.6%.koornooyinka Horyaalka kadib 7 kulan oo la ciyaaray. Laakiin kaliya laba jeer ayay ka faa,iideysteen.
Dhanka kale, Liverpool ayaa gool kali ah ku dhalisay koorno, lakiin waxay ku doodi karaan inay yihiin kooxda heshay tirada ugu yar kubadaha koornada laga soo tuuro.