Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa u gudbiyey masuuliyiinta kooxdiisa magaca hal ciyaartoy oo uu doonayo inay la saxeexato Los Blancos, si ay iskaga garab ciyaaraan garoonka Santiago Bernabeu.
Jude Bellingham oo xagaagii ay Real Madrid kasoo iibsatay Borussia Dortmund, ayaa waxa uu noqday hoggaamiyaha naadiga inkasta oo uu muddo kooban joogay, waxaana hadda uu doonayaa in Santiago Bernabeu loogu keeno laacib uu aqoon fiican u leeyahay oo ay ku dagaallami jireen horyaalka Bundesliga.
Real Madrid oo hadda ay diiraddeedu saaran tahay Kylian Mbappe oo la filayo inuu si xor ah ugaga soo wareego PSG iyo labada difaac ee Alphonso Davies iyo Leny Yoro, ayaa waxa uu Jude Bellingham ugu kordhiyey magaca ciyaartoy kale oo uu rumaysan yahay in aanay cidina joojin karaynin Real Madrid haddii uu isaguna kula soo biiro Santiago Bernabeu.
Sida uu qoray wargeyska Defensa Central ee kasoo baxa waddanka Spain, Jude Bellingham ayaa waxa uu ka dalbaday madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez in uu ka shaqeeyo sidii uu Santiago Bernabeu u keeni lahaa xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ee Jamal Musialla oo la sheegay in aanu ku faraxsanayn kooxdiisa Bayern Munich.
21 jirkan oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan waqtigan isla markaana xirfaddiisu sida weyn u kobcayso ayaa waxa la sheegay in uu diiday inuu wada-hadal la yeesho kooxdiisa si qandaraaskiisa oo dhacaya sannadka 2026 loo kordhiyo.
Munich ayaa la rumaysan yahay in ay iibin doonto xagaaga dambe haddii uu laacibkani ku adkaysto go’aankiisa ah in aanu heshiis kordhinayn, waxaana qiimihiisa lagu sheegay illaa €110 milyan oo Euro.