Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) ayaa furay baaritaan ku saabsan mid ka mid ah tababreyaasha kooxaha Premier League, sanad kadib baaritaan ay sameeysay BBC.
Baaritaankaas ayaa lagu ogaaday in inkastoo saddex haween ah ay tababarahaan u gudbiyeen booliiska oo ay ku eedeeyeen dambiyo la xiriira galmo, uu weli xilka ka haystay kooxdaas.
Mid ka mid ah haweenkaas ayaa u sheegtay BBC-da in FA-gu uu ku guuldareystay inuu ilaaliyo haweenka iyo gabdhaha, isagoo wax tallaabo ah qaadin, inkastoo ay jirtay inay ka yarayd 16 sano xilliga falka la sheegay inuu dhacay.
Ka dib warbixino ay soo qortay wargeyska cayaaraha ee The Athletic, BBC ayaa heshay caddeyn muujinaysa in FA-ga uu hadda bilaabay baaritaan u gaar ah, ka dib markii booliisku ay go’aansadeen inaysan wax tallaabo dheeraad ah qaadin.
Afhayeen u hadlay hay’adda kubadda cagta qaranka ayaa sheegay inaysan ka faalloon doonin kiisaska shaqsiyeed, laakiin waxay ku adkeysteen inay leeyihiin nidaamyo adag oo ilaalinta badbaadada ah.
Email laga helay dhammaadka Oktoobar oo BBC-da heshay ayaa muujinaya in FA-gu uu casuumaad u diray mid ka mid ah haweenka dacwooyinka soo gudbiyay, oo loogu yeero Kate, si ay uga wada hadlaan khibradaheeda iyada oo qayb ka ah baaritaanka badbaadada. FA-da ayaa sidoo kale sheegtay inaysan la wadaagi doonin Kate wax faahfaahin ah oo la xiriira baaritaankooda, oo ay ku jirto natiijada marka uu soo dhammaado baaritaanka.
Kate ayaa markii ugu horreysay la xiriirtay FA-da bishii Luulyo 2023, markaas oo ay sheegtay inay tababaraha u gudbisay booliiska, iyadoo sheegatay kufsi hore oo dhacay xilli ay 15 sano jir ahayd. Si kastaba ha ahaatee, waxay aaminsan tahay inaan wax tallaabo ah laga qaadin ilaa hadda.