Mamardashvili: “Waxaan la galay Vinícius sharad €50 ah inaan rigoorada ka qabanayo… welina ima siin!”
Goolhayaha kooxda Valencia, Giorgi Mamardashvili, ayaa shaaca ka qaaday inuu la galay xiddiga Real Madrid, Vinícius Júnior, sharad gaaraya €50, kahor inta uusan laadin rigooradii uu ku guuldarreystay intii lagu jiray kulankii ay Valencia 2-1 kaga adkaatay Real Madrid.
Mamardashvili oo la hadlayay barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegay inuu si toos ah ula hadlay Vinícius kahor rigoorada, kuna yiri:
“€50 haddii aan kaa qabto rigoorada.”
Goolhaye Mamardashvili ayaa dhab ahaantii badbaadiyay rigooradaas, taasoo noqotay mid muhiim ah maadaama ay Valencia guul ka gaartay ciyaarta.
“Waan qabanay rigooradii, laakiin weli lacagtii ma la ii dhiibin!” ayuu yiri isagoo qoslaya.
Inkasta oo Vinícius uu gool dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta, haddana goolkaas kama badbaadin Real Madrid guuldarro. Hugo Duro ayaa dhaliyay goolka guusha ee Valencia, taasoo ka dhigtay in Los Blancos ay dhibco muhiim ah lumiyaan.
Guuldarradaas ayaa sidoo kale dharbaaxo u ahayd rajadii Real Madrid ee hanashada horyaalka La Liga, iyadoo ay kooxda Barcelona fursad u heshay inay farqiga dhibcaha sii kordhiso.
Dhacdadan ayaa sidoo kale iftiimisay cadaadiska sii kordhaya ee dul hoganaya Vinícius Júnior, kaasoo dhowaan rigoore kale ku khasaariyay kulamo hore, taasoo dhalisay su’aalo laga keenay doorkiisa qaadashada rigoorada.