Christian Pulisic ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya inuu khilaaf kala dhaxeeyo tababaraha AC Milan, Sérgio Conceição, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in uu dalbaday in laga fasaxo kooxda haddii macallinka reer Portugal uu sii joogo xilli ciyaareedka soo socda.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa Khamiistii shaacisay in Pulisic iyo khadka dhexe ee Youssouf Fofana ay si xun u khilaafeen Conceição, gaar ahaan ka dib markii Milan laga reebay UEFA Champions League Talaadadii, waxaana La Repubblica sheegtay in xiddiga Mareykanka uu doonayo inuu ka tago Milan haddii tababaraha aan la ceyrin kahor xilli ciyaareedka 2025-26.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Pulisic iyo Fofana ay ahaayeen kuwa ugu cad-cad ee ka hor-yimid hab-dhaqanka tababaraha, kaasoo la sheegay inuu si xun uga caraysiiyay qaar ka mid ah ciyaartoyda, inkastoo Conceição uu kooxda la wareegay 30-kii December.
Si degdeg ah, Milan ayaa barteeda X (horey Twitter u ahaan jirtay) ku daabacday bayaan uu Pulisic kaga jawaabayay wararkaas.
“Weligey ma aanan murmin tababaraha, mana aanan dalban in aan baxo,” ayuu yiri Pulisic. “Waxaan aad ugu faraxsanahay Milan, waxaana rabaa inaan sii xirto maaliyaddan.wararka beentaan waa wax aan la aqbali karin, laakiin aan isku duubnaano oo aan si wadajir ah ugu dagaalanno garoonka, annagoo u hurayna kooxda iyo taageerayaasheena wax walba.”