Fabrizio Romano ayaa sheegay in Trent Alexander-Arnold uu mudnaanta siinayo inuu sii joogo Liverpool, inkastoo Real Madrid ay xiiseynayaan daafaca. Xaaladda qandaraaskiisa Liverpool ayaan weli xal laga gaarin iyadoo qandaraaskiisu uu ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan. Arnold weli wax heshiis cusub ah lama gaarin Liverpool.
Xaaladda qandaraaskiisa ayaa soo jiidatay indhaha Real Madrid,waxey u arkaan bartilmaameedka ugu muhiimsan ee dambeedka midig. Kooxda Spain ayaa sidoo kale eegaysa fursadaha kale ee dambeedyada midig, sida Pedro Porro oo ka tirsan Tottenham, Jeremie Frimpong oo ka tirsan Bayer Leverkusen iyo Juanlu oo u ciyaara Sevilla.
Si kastaba ha ahaatee, Alexander-Arnold ayaa ah xulashada ugu fiican ee Real Madrid, balse suurtogalnimada heshiiskiisa ayaa ah mid ku xiran haddii uu ka tagayo Liverpool marka qandaraaskiisu dhammaado. Romano ayaa sheegay in Real ay sugayso inay arkaan waxa ka dhaca wada-hadallada u dhexeeya 26-jirka iyo Liverpool ka hor inta aysan tallaabo qaadin.
Haddii Alexander-Arnold uusan cusbooneysiin qandaraaskiisa, wuxuu xor u noqon doonaa inuu wadahadallo la bilaabo kooxo kale laga bilaabo bisha Janaayo. Real Madrid ayaa diyaar u ah inay fursadda ka faa’iideystaan haddii ay dhacdo inuu go’aansado ka tagista Anfield.