Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen la filayo in uu ka tago Red Devils dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Romano ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in fikirka macalinka cusub ee Ruben Amorim la tixgelin doono, kaasoo ah in ciyaartooyda uusan u baahneyn ay ka tagaan kooxdiisa.
Eriksen ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Man United intii lagu jiray suuqii xagaaga ee ugu dambeeyay, laakiin Ten Hag ayaa siiyay fursad dheeri ah oo uu kusii joogo kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark ayaa hadda go,aan kama dambeys ah laga qaatay mustaqbalkiisa Old Trafford.
“Manchester United iyo Christian Eriksen ayaa qaatay go,aan uu xiddiga ku baxayo dhamaadka xili ciyaareedkaan” Romano ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray maanta oo isniin ah.
“Ma jiro wax wada xaajood ah oo u dhaxeeya labada dhinac oo heshiis cusub lagu saxiixayo, tababare Rúben Amorim sidoo kale uma arko Eriksen mid ku haboon falsafadiisa cusub ee uu doonayo inuu ka hirgaliyo Man Utd.
Christian Eriksen, ayaa noqon doona ciyaaryahanka ugu horeeya ee dhibane u noqday tababaraha cusub ee Manchester United Amorim.