Fabrizio Romano ayaa daaha ka qaaday in Man Utd ay hubaal tahay inay xagaagan la soo saxiixan doonto labo ciyaaryahan, kubadsameeye iyo lambarka 9-aad oo dabiici ah.
Romano ayaa sheegay in madaxda United ay durba bilaabeen qorsheynta suuqa kala iibsiga xagaaga.
Inkastoo uusan Romano xaqiijin magacyada United ay qorsheyneyso inay lasoo saxiixato, wuxuu hoosta ka xariiqay ciyaaryahan ka dambeeya weerarka iyo sidoo kale weeraryahan.
Waa hubaal, ujeedadu waa in la keeno ugu yaraan hal ciyaaryahan oo awood u leh inuu ka ciyaaro weeraryahanka gadaashiisa oo goolal dhalin kara” Romano ayaa u sheegay Give Me Sport.
“Laakiin iyadoo ay aad u yareyd dhaqdhaqaaqii January, Man United waxay si buuxda diirada u saari kartaa saxiixyo badan suuqa xagaaga.
Ujeedada kooxda waxay tahay in la maalgaliyo ciyaartooyda da’da yar oo uu doonayo inuu kooxda ku dhiso tababare Ruben Amorim” ayuu yiri Romano.