Fabrizio Romano Oo Kashifay Afarta Saxiix Uu Pochettino Sida Degdega Ah U Dalbaday Iyo Xiddigaha Uu Kooxda Ka Dirayo.

Kooxda Manchester United ayaa la soo warinayaa inay qorsheyneyso soo xero gelinta  afar bartilmaameed suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, halka wariye Fabrizio Romano uu xog cusub ka bixiyay mustaqbalka labada weeraryahan ee Benjamin Sesko iyo Joshua Zirkzee.

Red Devils ayaa u baahan inay firfircooni muujiso suuqa jiilaalka maadaama ay ka liitaan boosas dhowr ah. Xagaagii waxay diiradda saareen dib u habeynta khadka dhexe, balse waxay iska indho-tireen boosaska kale, taas oo sababtay bilowgii liitay ee xilli-ciyaareedkan iyo in shaqada laga cayriyo Michael Carrick xilli kooxdu ku jirtay aagga loogu laabto heerka labaad.

Haatan waxaa xilka loo dhiibay Mauricio Pochettino oo qalinka ku duugay qandaraas gaaraya ilaa sanadka 2029. Mudnaanta ugu horreysa ee Pochettino waa inuu kooxda ka saaro cabsida u laabashada heerka labaad, wuxuuna filayaa inuu suuqa kala iibsiga ku yeesho saameyn iyo go’aan ka badan kii uu lahaa Carrick.

Sida uu ku warramay wargeyska The i Paper, Manchester United ayaa bisha Janaayo mudnaanta siinaysa saxiixa daafac bidix, daafac dhexe, iyo weeraryahan. Afarta ciyaaryahan ee diiradda u saaran kooxda waa labada daafac ee kooxda Fulham, Calvin Bassey iyo Antonee Robinson, iyo sidoo kale weeraryahanka xulka Maraykanka ee Folarin Balogun iyo weeraryahanka kooxda Freiburg, Igor Matanovic.

Dhanka kale, Manchester United ayaa laga yaabaa inay fasaxdo dhowr ciyaaryahan si ay u hesho dhaqaale. Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Benjamin Sesko uu sii joogi doono Old Trafford isla markaana aysan suurtagal ahayn inuu u wareego horyaalka Serie A bisha Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Romano ayaa sheegay in Joshua Zirkzee uu bixi karo. Xiddigan reer Netherlands ayaa muddo ka badan sanad doonayay inuu helo waqti ciyaareed badan maadaama fursaddiisa United ay aad u yar tahay. Inkastoo ay horay u xiisaynayeen Juventus, Fiorentina, iyo Roma, haddana Romano ayaa xusay in kooxda Napoli ay xiriir aad u wanaagsan la leedahay wakiillada Zirkzee, isla markaana uu ku jiri karo liiska kooxdaas haddii ay weeraryahan la soo wareegaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular