Arsenal ayaa loo sheegay inay ku qasban tahay inay bixiso 100 milyan oo euro si ay Benjamin Sesko ugala soo wareegto RB Leipzig xagaaga.
Kooxda Mikel Arteta ayaa u baahan weeraryahan dheeraad ah kadib markii ay ku guuldarresteen saxiixiisa suuqii January, iyada oo ay kooxda Arteta wajaheyso xaalad dhaawacyo ah.
Gabriel Jesus ayaa ololahan looga saaray dhaawac ACL garoomada, halka ay jirto cabsi laga qabo in Kai Havertz uu muddo dheer maqnaado ka dib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray xerada tababarka ee Dubai.
Iyadoo garabyada Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka ay sidoo kale maqan yihiin, Arsenal ayaa si quus ah u raadineysa xulasho dheeraad ah oo dhanka weerarka ah.
Sesko ayaa ahaa bartilmaameedkooda mudnaanta koowaad intii lagu jiray suuqa kala iibsiga jiilaalka, laakiin RB Leipzig ayaa ku dalbatay qiimo ka naxiyay Gunners.
Lamberka 9-aad ee Leipzig, ayaa hadda Arsenal loo sheegay in ay ku heli karto qiimo 100 milyan euro, sida uu ku waramay Ramano.
Arsenal iyo Arteta ayaa mudnaan koowaad siinaya markasta saxiixa Sesko, waxaana Ramano uu leeyahay waxaa suurta gal ah in ay qiimaha kala heshiisyaan kooxda RB Leipzig ka hor suuqa xagaaga.
Kkkkkkk Arsenal
Kooxda Horseed