Ciyaaryahankii hore ee Chelsea iyo Arsenal, Cesc Fabregas, ayaa ra’yigiisa ka dhiibtay doodda ku saabsan xiddigaha da’da yar ee Bukayo Saka iyo Cole Palmer. Labadan ciyaaryahan ayaa waayadii ugu dambeeyay si weyn laisu bar-bar dhigayay, iyadoo taageerayaashu si kal iyo laab ah uga doodayeen cidda fiican. Qaar waxay taageerayeen Saka, halka kuwa kale ay Palmer ku tilmaamayeen midka wanaagsan.
Fabregas, oo khibrad badan u leh kubadda cagta heerka sare, ayaa sheegay in xulka England uu nasiib weyn u leeyahay in uu haysto laba ciyaaryahan oo heer sare ah oo da’yar, kuwaas oo leh tayooyin kala duwan oo cajiib ah. Wuxuu xusay in muhiimadu aysan ahayn in la is bar-bar dhigo, maadaama labaduba ay leeyihiin karti iyo awood u gaar ah oo qancin karta taageerayaasha.
Fabregas ayaa yiri, “Uma baahnid in ciyaartoyda la is bar-bar dhigo. England nasiib ayey u tahay iney heysato laba xiddig oo tayo leh. Kaliya ku raaxayso qaab ciyaareedkooda oo u ogolow inay horumar gaaraan.” Waxa uu sidoo kale tilmaamay in labadooduba ay kaalin muhiim ah ka ciyaari karaan mustaqbalka xulka England, iyadoo mid walba uu leeyahay qaab ciyaareed gaar ah oo uu kusoo jiito taageerayaashiisa.
Fabregas ayaa ugu dambayn ugu baaqay taageerayaasha inay ka fogaadaan isbarbardhigga joogtada ah ee ciyaartoyda da’da yar, taas bedelkeedana ay diiradda saaraan sidii ay u taageeri lahaayeen horumarka iyo kobaca labadan xiddig ee da’yarta ah.