Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa xiisaha kooxda kubadda cagta PSG ee xiddiga reer England ee Marcus Rashford, kaas oo la sheegay in uu isaguna doonayo inuu Old Trafford ka digo rogto maadaama uu ku dareemayo culaysyo badan oo ay sabab u yihiin qaab ciyaareedkiisa hoos u dhacay iyo dhalliilo loogu jeedinayo dhaqan-xumo uu ku kacay usbuucan.
Kooxda reer France ayaa la sheegay inay qorshaynayso inay xagaaga foodda inagu soo haya u dhaqaaqdo saxeexa Marcus Rashford oo la warinayo inay isku dhaceen ciyaartoyda kooxdiisa oo ka cadhooday falkii uu sameeyey Jimcihii ee uu kaga maqnaaday tababarka kooxda, isaga oo labadii habeen ee ka horreeyey kusoo jeeday hotel lagu tunto oo ku yaalla magaalada Belfast.
26 jirkan ayaa sidoo kale seegay kulankii FA Cup ee Newport Count ay Man United 4-2 ku karbaashtay, waxaana hadda ay hubanti la’aan ka jirtaa mustaqbalka laacibkan oo ay PSG ku darsatay liiska xiddigaha ay u doonayso inay noqdaan beddelka Kylian Mbappe oo la sheegay inuu tegayo Real Madrid.
Rashford ayaa xagaagii hore u saxeexay Manchester United heshiis cusub oo shan sannadood ah, balse PSG ayaa isku dayi doonta inay laacibkan ku qanciso inuu ku cadaadiyo kooxdiisa in la iibiyo, iyadoo arrintiisana ay sii xumaynayso ganaax £650,000 Gini ah oo ay kusoo rogtay Man United oo mushaharkiisa laga jarayo laba usbuuc.