Kylian Mbappe ayaa mar horeba heshiis u saxeexay kooxda kubadda cagta Real Madrid oo uu xagaaga soio socda si xor ah ugu biiri doono, sida ay saxaafadda waddanka Spain ku warramayso.
Xiddiga reer France oo ku wargeliyey kooxdiisa PSG inuu ka tegayo marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, ayaa waxa kale oo uu garoonka tababarka kula hadlay ciyaartoyda kooxdiisa oo u sheegay in dhawr bilood kaliya ay sii wada joogi doonaan Parc des Prince.
25 jirkan oo 22 gool oo dhamaan tartamada ah u dhaliyey kooxdiisa xilli-ciyaareedkan socda, ayaa waxa lala xidhiidhinayey kooxo badan, sida Real Madrid, Manchester City, Arsenal iyo Liverpool oo dhamaantood ay wabraahintu hadal-haysay.
Laakiin wargeyska kasoo baxa waddanka Spain ee Marca ayaa sheegay, in Mbappe uu mar horeba heshiis la gaadhay Real Madrid, waana laba usbuuc ka hor intii aanu shaacinin go’aanka mustaqbalkiisa.
Marca waxa uu intaa ku daray, in heshiiska ay wada gaadheen Kylian Mbappe iyo Real Madrid oo la dhamaystiray laba toddobaad ka hor uu yahay shan sannadood oo ka bilaabmaysa bisha July ee sannadkan, kaas oo socon doona illaa 2029, markaas oo Kylian Mbappe uu noqon doono 30 jir.
Mbappe waxa uu si weyn hoos ugu dhigay mushaharka uu ka qaadanayo kooxdiisa cusub ee Real Madrid oo sannadkii u shubi doonta inta u dhaxaysa €15-20 milyan oo Euro.