Erling Haaland ayaa magacaabay hal ciyaaryahan oo Arsenal ah kaasoo uu aaminsan yahay inuu si dhaqso ah u horumarin karo kooxdiisa haatan ee Manchester City.
Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona garoonka Etihad 31-ka bishaan Maarso kulankaas oo noqon kara kulan muhiim u ah tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan hogaanka u haysa horyaalka kadib markii ay Liverpool iyo City ku kala baxeen kaliya barbaro 1-1 ah garoonka Anfield ka hor kulamada caalamiga ah, waxayna Liverpool hogaanka uga hayaan farqiga goolasha.
Dhanka kale, City ayaa dib ugu soo laabatay kaalinta seddexaad iyadoo farqiga goolasha ka hooseeya labada kooxood hal dhibicna ka danbeeya, laakiin dhamaadka usbuuca soo socda waxay awoodaan inay hogaanka la wareegaan haddii ay ka badiyaan Arsenal islamarkaana Liverpool ay ku guuldareysato inay garaacdo Brighton.
Weeraryahanka Man City Erling Haaland ayaa magacaabay ciyaaryahanka kaliya ee Arsenal ee horumarin kara kooxdiisa Manchester City.
Wuxuu u magacaabay kabtanka Arsenal Martin Odegaard oo ay isku wadan ka soo jeedaan. Markii la weydiiyay haddii Odegaard uu horumarin karo kooxda City Haaland ayaa ku jawaabay:
“Haa, waan aaminsanahay sidaas. Waa ciyaaryahan aad u fiican, waa ciyaaryahan u dheela koox aan xafiiltameyno. Waxa uu dhawaan saxiixay qandaraas cusub, sidaasi darteed ma ahan mowduuc laakiin City waxaan ku heysanaa ciyaartoyda ugu fiican dunida.”
Odegaard ayaa ku riyaaqaya xilli ciyaareed kale oo fiican isagoo khadka dhexe u koontaroolaya Arsenal, wuxuuna dhaliyay lix gool xilli ciyaareedkan.