Wargeysyada waaweyn ee Isbaanish-ka ayaa soo warinaya sheegashooyin la xiriira Haaland oo ku biiri kara Real Madrid.
ilo ku dhow ciyaaryahanka ayaa u sheegay Marca in Haaland ay iska caddahay in mustaqbalka dhow uu xiran doono maaliyada kooxda Real Madrid.
Maalmo uun ka dib markii la sheegay in City ay isku diyaarinayso inay la soo wareegto bedelka Halaand weeraryahanka Viktor Gyokeres, heshiis kasta oo uu ugu biiri karo Real Madrid ayaa suurta gal noqday.
Warkan ayaa sidoo kale dharbaaxo ku noqon doona kooxda Barcelona oo doonaysay in ay weeraryahanka geyso garoonka Camp Nou si ay kaga dhigaan bedelka Robert Lewandowski.
Erling Haaland ayaa xiiseynaya inuu u saxiixo Real Madrid ka dib marka uu ka tago Manchester City, qandaraaskiisa ayaa dhacaya 2027 sida lagu sheegay warbinta Mundo Deportivo oo kasoo baxda Spain.
Bixitaanka Pep Guardiola kooxda Man City waxay keeneysaa dhowr ciyaartooy oo magac leh in ay isaga tagaan City, waxaana xitaa kujira Rodri iyo De Brunye.