Erik ten Hag ayaa sheegay in Manchester United ay qasab tahay inay ku ciyaaraan xanaaq iyo waali marka ay wajahayaan Liverpool caawa oo Axad ah.
Red Devils ayaa dooneysa inay ka soo kabsato guuldaradii xanuunka badneyd ee habeenkii Khamiista ka soo gaartay Chelsea oo 4-3 kaga badisay.
Haatan, tababaraha Man United ayaa ugu baaqay ciyaartiisa inay niyadjabkii Chelsea kala kordhacaan Liverpool iyadoo kooxdiisa ay raadineyso inay u soo baxdo tartamada Yurub xilli ciyaareedka danbe islamarkaana ay dhaawacdo rajada horyaalka ee kooxda ay xafiiltamaan.
United ayaa ku jirta kaalinta lixaad ee horyaalka, waxay sagaal dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta shanaad ee Tottenham, halka Liverpool ay hogaanka ku soo laaban doonto haddii ay garaacaan United caawa.
“Waa inaan sarre u qaadno ciyaarteena oo aan sameyso go’aano ka fiican kuwii hore.” ayuu yiri Ten Hag.
“Waxaan ciyaari karnaa kubad heerkeeda aad u sareeyo. Waxaan la tartami karnaa kooxaha ugu fiican, waxaan garaaci karnaa kooxaha ugu fiican Premier League. Marka aad sidaas sameyn karto, waxaad sidoo kale ku sameyn kartaa Yurub oo dhan.
“Waxaan u baahanahay inaan barano sida ay kulamada waa weyn u soo afjari laheyn.
“Waa inaan si dhaqso ah u soo kabsano. Waa inaan natiijooyinka xun dhanka kale u rogno. Jawi wanaagsan ayaan ku ciyaari doonaa, waana sugi la’ nahay.
“Waa inaan tamar iyo firfircooni ku dheelo laakiin waa inaan sidoo kale si waali ah iyo si carro leh u ciyaarno. Carrada waxaa laga helayaa tamar badan, sidaas ayaana sameyn doonaa.”