Erik ten Hag ayaa raaligelin ka dalbaday Fulham ka dib markii ay ku maadeysteen Bruno Fernandes markii ay soo dhamaatay guushoodii Old Trafford ee todobaadkii hore.
Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa waqti danbe seddex dhibcood ka qaadatay Man United iyadoo Alex Iwobi uu dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada ciyaarta.
Fernandes ayaa u muuqday mid dhaawac uu soo gaaray intii ay ciyaarta socotay, laakiin waxa uu ku ciyaaray xanuunka isagoo saftay kooxda Nottingham Foresyt ee FA Cup afar maalmood ka dib.
Muuqaalka ay Tiktok soo dhigtay ayaa muujinaya Bruno Fernandes oo dhaawac la rafanaya laakiin ilbiriqsiyo ka dib wuu istaagayaa isagoo dalbanaya kubada. Waxay Fulham cinwaan uga dhigtay muuqaalka: “Waa ku faraxsanahay inuu fiican yahay”.
@fulhamfc So glad he’s ok… 🙄 #fulhamfc #premierleague #brunofernandes
Fulham ayaa muuqaal ay soo dhigtay Tiktok waxay ku maadeysatay xiddiga reer Portugal iyagoo tilmaamay in dhaawaciisa uu jiliin ahaa taasoo ka careysiisay Erik ten Hag.
Ten Hag ayaa caradiisa ku soo bandhigay shirkiisii jaraa’id isagoo ka dalbaday Fulham inay raaligelin ka bixiso muuqaalka ay Tiktok soo dhigtay.
“M aanan ogeyn inay sidaas sameeyeen, laakiin haddii ay sidaasi sameeyeen, ma ahan wax sax ah.” ayuu yiri tababaraha Man United.
“Gabi ahaanba ma ahan wax sax ah in kooxdaas ay muuqaalkaas sameyso, sababtoo ah waa wax anshaxa ka baxsan oo qalad ah, waa inay raaligelin ka bixiyaan wixii ay sameeyeen. Bruno waa ciyaaryahan xamaasad badan oo hal abuur leh.
“Wuxuu abuuray fursadihii ugu badnaa ee Premier League. Kooxaha naga soo horjeeda way bartilmaameedsanayaan, garsooraha waa inuu ilaaliyo isaga.”