Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa qiimayn ku sameeyey fursadda ay kooxdiisu u haysato inay ka mid noqoto afarta kooxood ee sare ee horyaalka Premier League, kaddib markii ay barbarro niyad-jab ahaa la galeen Brentford.
Manchester United ayaa lumisay laba dhibcood oo hoos usii dhigay inay hiigsato Aston Villa oo afraad ku jirta, taas oo hadda 11 dhibcood kaga haysa kaalinta afraad, halka ay Sidoo kale Tottenham ka sarrayso siddeed dhibcood.
Red Devils ayaa nasiib ku lahayd inay dhibic kasoo hesho Brentford oo 31 jeer toogatay goolkooda, balse Mason Mount ayaa hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 90+6, halka goolka barbarraha ay Brentford keentay 90+9.
Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlay ayaa la weydiiyey fursadda ay kooxdiisu kusoo geli karayso kaalinta afraad, waxaanu ku jawaabay: “Wali kulamo badan ayaa noo hadhay, laakiin dabcan dhibcahaasi waxay noqon doonaan kuwo aad u qaali ah oo dhamaadka ah.”
Mar la weydiiyey ciyaartii liidatay ee kooxdiisa ee kulankii Brentford, waxa uu sheegay in ay ku qanacsan yihiin inay hal dhibic heleen marka loo eego fursadihii ay heshay Brentford isaga oo xusay badbaadadii uu sameeyey goolhaye Andre Onana.