Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa ammaan kula dul-dhacay weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo xagaagii ay £72 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Atalanta, kaas oo muddo uu abaar goolal la’aan ah ku jiray hadda u muuqda inuu helay xeeladihii Ingiriiska lagaga dhalinayay goolasha.
20 jirkan ayaa si adag kula bilowday Manchester United, waxaana 14 ciyaarood oo Premier League ah oo uu u saftay kooxdan aanu dhalinin wax goolal ah, balse ciyaartii Aston Villa ayay u furantay dhalinta goolashu, isagoo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyeyna si xidhiidh ah shabaqa usoo taabanayay.
Tababare Erik ten Hag ayaa waxa uu sheegay, in xagaagii markii uu la saxeexanayay Hojlund uu ogaa inuu ugu dambaynta laacibkani saldhigi doono, waxaana uu shaaciyey laba arrimood oo uu ku jeclaaday, waxaanu yidhi: “Waxa idiin sheegayaa in aanay ahayn wax u fudud weeraryahannada marka wax badan laga filayo, dadka dibedduna waxyaabo badan ka rajaynayaan inuu isla markiiba sameeyo.
“Dhaqanka laga doonayo weeraryahan kasta waa in uu noqdo mid cadhaysan, waanu waalanayaa marka uu gool dhalin waayo, laakiin annagu maxaanu ku dooranayRasmus? Waa ciyaartoy adkaysi leh oo dib usoo kabta, sidoo kalena deggen isaga oo cadaadis badan saaran yahay.”