Erik Ten Hag ayaa ku eedeeyay garsoore Andy Madley inuu Manchester United u horseeday guuldaradii ka soo gaartay Manchester City kulankii shalay ee Etihad Stadium.
Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Man City ayaa guul soo laabasho 3-1 ah ka gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Man United, iyagoo uga mahadcelinaya labo gool uu dhaliyay Phil Foden iyo gool soo daahay uu saxiixay Erling Haaland.
Laakiin Ten Hag ayaa si xun uga carooday Madley kaasoo diiday inuu laad xor ah u dhigo Marcus Rashford ka dib qalad uu ku galay Kyle Walker qeybtii labaad ee ciyaarta.
Ten Hag ayaa sidoo kale ku dooday in United ay aheyd in rigoore loo dhigo markii goolhaye Ederson uu taakal ku qabtay Alejandro Garnacho ciyaarta oo weli ah barbaro 1-1 ah.
Ten Hag, oo kaadh jaale ah lagu siiyay inuu u cawday garsooraha afaraad ayaa yiri: “Waqtiyadii igu muhiimsanaa wax walba way naga soo horjeedeen. Ma dhahayo Kyle Walker taakal ayuu sameeyay. Rashford ayaa ii xaqiijiyay inay taabasho jirtay. Marka aad xawaare sarre ku ordeyso oo lagu taabto, waxaa ka dhumaya koontaroolka, waxaana aaminsanahay inay taasi dhacday.
“Waxay aheyd xilli muhiim u ah ciyaarta sababtoo ah kubadii rogaalceliska ah ee ay sameysay Man City gool ayay ku dhaliyeen. Qorshaheena ayaan ku dhageyneyn weli, hadana waxaa ina soo martay falkii aan meelna loo dayin ee goolhayaha City uu ku sameeyay Garnacho. Waxaan aad ugu dhaweyn inaan guul gaarno ama ugu yaraan inaan barbaro ku galno halkaan.”
Labada guuldarro ee isku xigta waxay cadaadiska ku kordhineysa Ten Hag. United waxaa haatan laga badiyay 11 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan. Waa in ka yar hal kulan rikoodhkoodii 12ka guuldarro ee 2022kii.
Man United waxay haatan 11 dhibcood ka danbeysaa Aston Villa oo kaalinta afaraad ku jirta.