Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa kashifay laba arrimood oo uu ku liito dheemanka kooxdaas usoo baxay ee Kobbie Mainoo, kuwaas oo ay u sheegeen inuu horumar ka sameeyo si uu u noqdo ciyaartoy dhamaystiran.
Mainoo oo ay da’diisu tahay 18 jir ayaa mar horeba isku muujiyey inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu mustaqbalka wanaagsan, iyadoo durba looga yeedhay xulka qaranka England oo uu u dheeli doono ciyaarta Brazil ee Sabtida ka dhacaysa garoonka Wembley.
Tababare Gareth Southgate ayaa kalsooni buuxda siiyey laacibkan oo su’aasha la isweydiinayo ay tahay inuu kusoo bilaabanayo iyo inuu beddel ku iman doono ciyaarta Brazil.
23 ciyaarood oo kasoo bilowday bishii November oo ahayd waqtigii uu kooxda koowaad ee Manchester United ka mid noqday ayuu ku xoraystay booskiisa joogtada ah ee Red Devils, laakiin Erik ten Hag ayaa doonaya inuu laba arrimood horumar ka sameeyo.
Sida uu qoray wargeyska The Times, Ten Hag ayaa u sheegay inuu in badan kubadda hayo oo uu ciyaartoyda kooxdiisa ka dalbado inay kubadda usoo celceliyaan, taas oo uu sheegay in haddii uu sameeyo uu ku kalsoon yahay inuu noqon doono laacib qabsada garoomada.
Arrinta labaad ee uu Erik ten Hag u sheegay Kobbie Mainoo inuu sameeyo ayaa ah inuu hagaajiyo baasaskiisa marka uu ku dhowaado xerada ganaaxa kooxda kale.