Erik ten Hag ayaa ka cararay shirkiisa jaraa’id ka dib markii Manchester United ay barbaro 2-2 ah la gashay xalay kooxda Bournemouth.
Tababaraha reer Holland ayaa ahaa mid aad u careysan xalay isagoo furka tuurtay ka dib markii lagu celceliyay su’aalo ku saabsan booska ay kooxdiisa horyaalka kaga jirto.
Ka dib hal kulan oo ay badiyeen todoba kulan oo horyaalka ah, Man United waxay ku jirtaa kaalinta lixaad iyagoo 10 dhibcood ka danbeeya Tottenham oo dushooda taagan. Waxayna haatan halis ugu jiraan inay soo qabato West Ham oo kaliya labo dhibcood ka danbeysa Red Devils, halka Chelsea ay afar dhibcood ka danbeysa balse ay labo kulan u harsan tahay.
Booskii ugu xumaa ee ay Man United ku dhameysatay taariikhda Premier League waxay aheyd kaalinta 7aad xilli ciyaareedkii David Moyes uu hogaaminayay ee 2013/14, inkastoo tababaraha reer Scotland la ceyriyay ka hor inta uusan xilli ciyaareedka dhamaanin.
Ten Hag ayaana la weydiiyay su’aal lala barbardhigayay rikoodhka David Moyes ee Manchester United.
“Erik haddii aad ka hoos martaan kaalinta 7aad waxay noqon doontaa booskii ugu xumaa ee ay Man United ku dhameysato taariikhda Premier League, ma u maleyneysaa inaad meel ka sareysa ku dhameysan kartaan?” ayaa la weydiiyay Ten Hag.
Laakiin tababaraha reer Holland ayaa bedelkii uu su’aasha ka jawaabi lahaa isaga kacay shirka jaraa’id.
“Ima doonayo, mana ka jawaabayo su’aashaas” ayuu yiri tababarihii hore ee Ajax isagoo caagiisa biyaha qaatay islamarkaana u dhaqaaqay inuu albaabka ka baxo. “Muhiim ma ahan waqtigaan”
Joornaaliistayaasha oo isku dayay inay su’aalo kale ku tuuraan ayuu Ten Hag dhaqso uga baxay qolka shirka jaraa’id isagoo albaabka xiray.