Erik ten Hag ayaa ku eedeeyay Nottingham Forest inay bartimaameedsanayeen Bruno Fernandes kulankii xiisaha lahaa ee ay Manchester United ay ku badisay garoonka City Ground ee FA Cup, wuxuuna sheegay in dhaleecayntii dhawaan loo soo jeediyay kabtankiisa ay tahay mid doqonimo ah.
Fernandes ayaa markale la kulmay dhaleeceyn ka dib guuldaradii United ka soo gaartay Fulham madaama ay soo baxeen muuqaalo muujinaya isagoo qaladka ku galaya Sasa Lukic dhamaadkii ciyaarta dabadeedna ku doodaya in kubada isaga la siiyo.
Laakiin Ten Hag ayaa difaacay kabtankiisa isagoo sheegay inuu yahay xiddig xanuunka u adkeysta marka loo eego sida ay u la dhaqmeen Nottingham Forest.
Fernandes ayaa waxaa xitaa ceego ku qabtay mid ka mid ah xiddigaha Nottingham Forest kaasoo ka badbaaday in casaan la siiyo.
Xiddiga reer Portugal ayaa garoonka ka baxay isagoo lugta jiidaya, taasoo abuurtay walwal ah inuu taam u noqon karo kulanka Manchester Derby ee ay Axada la ciyaarayaan Manchester City.
“Waad aragteen sida Forest ay u bartilmaameedsatay isaga” ayuu yiri Ten Hag.
“Qaladaad badan ayaa lagu galaya. Mar kasta uu kubada helo, waxa loo raacanayay si adag.
“Ma sheegayo waxay tahay, laakiin waa dhaawac halis ah. Waxaan arkaa baraha bulshada oo lagu dhaleeceynayo isaga. Waa doqonimo. Waxa uu qabaa dhaawac halis ah, waxa uu ku ciyaaray dhaawacaas Sabtidii iyo sidoo kale qeyb ka mid ah ciyaartaan.
“Waa ciyaaryahan si weyn xanuunka ugu adkeysan kara. Sannadkii hore si la mid ah isagoo dhaawacan ayuu la ciyaaray Spurs. Waxay ku tusineysaa tayada hogaamintiisa.”