Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa shaaciyey wixii uu u sheegay dheemanka da’da yar ee kooxdiisa ee Kobbie Mainoo kaddib ciyaartii finalka Carabao Cup ee xilli-ciyaareedkii hore ee ay ku guuleysteen, taas oo uu laacibkan u ahayd maalmaha xasuusta leh ee soo maray.
Erik ten Hag ayaa xilli-ciyaareedkii soo afjaray abaartii koobab la’aanta ah ee haysatay Manchester United muddo lix sannadood ah, iyadoo Kobbie Mainoo uu 15 ilbidhiqsi oo dhamaadkii ah ciyaaray kulankaas.
Tababare Erik ten Hag oo la weydiiyey hadalkii uu ku yidhi Kobbie Mainoo kaddib ciyaartii koobka, ayaa ku jawaabay: “Waan xasuustaa wixii aan ku idhi oo ahaa: maalintaadu way iman doontaa, waxa aynu si wada jir ah ugu guuleysanaynaa koobab, maalintaaduna waxay imanaysaa marka aad qaybta ka noqoto ciyaartoyda garoonka soo gelaya.”
Ten Hag oo sii sharraxayaa wixii uu u sheegay Mainoo ayaa intaa ku daray: “Waxa aan ku idhi: guulo ayaynu ku wada gaadhi doonaa kooxdan. Hadda waxaynu ku jirnaa xaalad kobcin ah, halkanna waxaynu u joognaa inaynu koobab ku guuleysano. Markaa, qaato waqtigan, qaato waayo aragnimadam haddana waad ogtahay waxa aad u dagaallamayso.”