Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa maanta ugu yeedhay tababarka kooxdiisa saddex ciyaartoy oo ay yar yihiin dadka garanaya, kuwaas oo qayb ka noqday xiddigaha isku diyaarinaya kulanka Luton Town ee Sabtida.
Manchester United oo u dagaallamaysa inay kusoo dhowaato kaalinta afraad oo ay shan dhibcood ka dambayso Tottenham oo booskaas haysata ayaa waxay u baahan tahay inay libin ka keento kulanka Luton ay martida u noqon doonto.
Erik ten Hag ayaa garoonka tababarka ee kooxdiisa ee Carrington waxa loogu yeedahy saddex ciyaartoy oo looga yeedhay kulliyadda, iyadoo sidoo kale ay waqti hore iska soo xaadiriyeen Casemiro, Raphael Varane iyo Harry Maguire oo kasoo laabtay dhaawacyo, laakiin qayb weyn ka qaatay guushii Aston Villa ay ka gaadheen.
Red Devils oo lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey guuleysatay shan ka mid ah, ayaa waxa tababarkeedii maanta iska soo xaardiyey Ethan Williams iyo Louis Jackson oo labadoodaba ay da’doodu tahay 18-jirro iyo Toby Collyer oo 20 jir ah.
Collyer oo khadka dhexe ka ciyaara ayaa horraantii bishan tababarka la qaatay kooxda koowaad, isaga oo garab dhulka ugu tuuray Alejandro Garnacho oo ay kubadda ku xafiiltameeyn.
United oo lagu yaqaano inay tahay koox fursad siisa, isla markaana guulaheeda ay go’aamiyaan ciyaartoyda kulliyadda uga soo baxda, ayaa waxa hore safkeeda ugu jiray afar ciyaartoy oo heerkooda da’yarta uga soo dallacay, waana Garnacho, Marcus Rashford, Kobbie Mainoo iyo Scott McTominay.
McTominay oo ah ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badan kooxda xilli-ciyaareedkan oo dhaliyey siddeed gool, iyo Alejandro Garnacho oo sameeyey fursado badan, ayaa waxa ay garoonka tababarka kusoo dhoweeyeen Harry Amass iyo Sam Mather usbuucyadii ugu dambeeyey, iyadoo labadan da’yar ay garoonka tababarka Carrington kula qaadanayeen tababarka kooxda koowaad.
United ayaa waxa ay hore lacago uga samaysay Zidane Iqbal, Teden Mengi iyo Anthony Elanga.