Erik ten Hag ayaa ka hadlay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa Manchester United, isagoo ku adkeystay in qof walba oo kooxda ka tirsan uu sidiisa oo kale darremayo.
Ten Hag ayaa galay fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, isaga oo shaqadiisa Manchester United halis ku jirta kadib markii uu ku hogaamiyay bilawgii ugu xumaa taariikhda Premier league.
Wabixin soo baxday dhawaan ayaa cadeysay in kadib kulan dheer oo dhex maray isaga iyo maamulka lagu go,aansaday in ninka reer Holland uu u dagaalamo booskiisa Markalr.
Markii la weydiiyay inuu dammaanad qaad shaqadiisa ah ka helay saraakiisha United, Ten Hag wuxuu si fudud ugu jawaabay: “Maya.
Qeyladu inta badan waxay ka soctaa warbaahinta uun, idinka nimanyahow qaarkiin, maaha dhammaantiin, waxaad qortaan been abuur iyo wax aan jirin.
Ten Hag ayaa ku eedeeyay saxaafada inay abuurto sheekooyin sameyn kara buuq, laakiin wuxuu yiri looma baahnaa taas, wax walba waxay ku fiican yihiin in looga hadlo si xaqiiq ah.
United ayaa xiiseyneysay Thomas Tuchel, kaasoo loo magcaabay xulka England, waxaase wali miiska u saaran Edin Terzic, Gareth Southgate iyo Thomas Frank oo dhamaan bedeli kara Ten Hag.