Tababarihii hore ee Manchester United, Erik ten Hag, ayaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u raadin jiray khilaafka ciyaartoyda waaweyn sida Cristiano Ronaldo iyo Jadon Sancho intii uu joogay Old Trafford, sida uu sheegay Raphael Varane.
Ronaldo ayaa kooxda ka tagay bishii November 2022, kaddib wareysi uu siiyay warbaahinta oo uu si cad ugu dhaleeceeyay Ten Hag iyo maamulka Manchester United. Dhanka kale, Sancho ayaa xiriir xun lahaa tababaraha reer Netherlands.Wuxuu si fadeexad ah u dhaleeceeyay xiddiga Ingiriiska. Sancho ayaa baraha bulshada uga jawaabay Ten Hag, taasoo keentay in laga saaro kooxda ugu dambeyntiina amaah loogu diray Chelsea xilli-ciyaareedkan.
Varane, oo isaguna waqti kooban laga masaafuriyay kooxda kaddib muran adag oo uu la yeeshay tababaraha, ayaa xagaagii hore United kaga tagay si xor ah. Daaficii hore ee reer France ayaa sheegay in Ten Hag uu had iyo jeer ka dhex abuuri jiray khilaaf kooxdiisa.
Varane ayaa u sheegay The Athletic:
“Wuxuu rabay inuu ixtiraam ku helo cabsi. Mar walba wuxuu rabay inuu tusaale ka dhigto hal ciyaaryahan oo kaligiis noqonaya inta uu joogay Manchester. Wuxuu sidaas ku sameeyay ugu yaraan hal ciyaaryahan muhiim ah oo kooxda katirsan. Mar kasta wuxuu khilaaf ka dhex abuuri jiray hoggaamiyaasha kooxda. Taasi waa habka uu u maareeyo ciyaartoyda.”
Ten Hag ayaa laga ceyriyay Manchester United bishii October, kaddib bilow aad u liitay oo ay xilli-ciyaareedka la kulmeen. Ilaa hadda tababaraha reer Netherlands ma uusan helin shaqo cusub.
United, oo haatan uu layliyo Ruben Amorim, waxay hoos ugu dhacday kaalinta 15-aad ee Premier League, kahor kulankooda ay Everton la ciyaarayaan dhamaadka usbuuca.