Enzo Maresca ayaa ka hadlay xaalada hubaanti la’aanta ah ee xiddiga khadka dhexe Conor Gallagher , wuxuuna daaha ka qaaday waxa uu doonayo in uu ku dhaco xiddiga khadka dhexe.
Chelsea ayaa Gallagher ku wargelisay inuusan ka mid noqon doonin qolka labiska kooxda koowaad marka uu soo laabto Isniinta.
Gallagher waxa uu Blues ku sugnaa tan iyo 8 jirkiisa waxaana uu kabtan u ahaa kooxda xilli ciyaareedkii hore ee Mauricio Pochettino.
Kooxda ayaa kula heshiisay Atletico Madrid lacag dhan 33 milyan oo gini laakiin heshiiskaas ayaa u muuqda mid aan socon karin.
Xiddiga khadka dhexe ayaa aad hamuun ugu qaba in uu sii joogo kooxda.
Maresca oo wax laga waydiiyay xaalada Gallagher ayaa yiri.
Hadda, ma jiro wax war ah oo arrintaas ku saabsan,”.
Waxa kaliya ee aan dhihi karo ayaa ah inuu xiriir la sameeyay kooxda si uu xal ugu helo.
Uma maleynayo inay tahay wax cusub.
Chelsea ayaa ka walaacsan in Gallagher uusan ku habooneyn nidaamka Maresca sidaas darteedna ay ka cabsanayso inay u gacan geliso heshiis waqti dheer ah.
Atletico Madrid ayee ku cadaadinaysay inay qaadato khadka dhexe, ka dib markii ay Chelsea kala heshiisay qiimaha ay ku doonayso laakiin Gallagher ayaan wali ku qanacsanayn inuu ka tago Galbeedka London.