Enzo Maresca ayaa shaaca ka qaaday waxa uu u sheegay ciyaartoyda Chelsea kaddib markii ay ku fashilmeen inay gool dhaliyaan ciyaartii 0-0 ku dhammaatay ee ay la ciyaareen Everton.
Kooxda Chelsea oo u hanqal taagaysa horyaalka, kuwaasoo dhaliyay goolal ka badan koox kasta oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, ayaa barbaro gool la’aan ah lagu qabtay galabkii Axadda.
Haddii ay guul gaari lahaayeen waxay Chelsea si ku meel gaar ah u qaban lahayd hogaanka, Si kastaba ha ahaatee, kooxda Maresca ayaa ku qasbanaatay inay hal dhibic ku qanacdo.
“Tani waxay ahayd ciyaar dhab ah,” ayuu yiri Maresca markii Chelsea ay hal dhibic kala soo laabatay galbeedka London. “Aad ayaan ugu faraxsanahay maxaa yeelay qaab ciyaareedka wiilasha ayaa ahaa mid cajiib ah.
“Mararka qaar waa inaad ciyaar kale ciyaartaa, waana baranaynaa sida loogu ciyaaro qaab kale.Everton waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub marka ay timaado difaaca iyo ilaalinta shabaqa.
“Waxaan u sheegay ciyaartoyda inaan maanta ku faraxsanahay natiijada marka laga soo tago ciyaartii Brentford ee [todobaadkii hore] oo aan 2-1 ku guuleysanay. Waxaan isku daynay wax walba.
“Dabcan, waxaad mar walba samayn kartaa wax ka wanaagsan sidaas laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay maxaa yeelay garoonkan waa mid adag – kaliya ma ahan annaga balse sidoo kale kooxaha Premier League.”