“Khaladkeyga ayaa ku sigtay inuu Chelsea ka qasaariyo guusha kulankii Tottenham” – Maresca
Tababaraha kooxda Chelsea, Enzo Maresca, ayaa qirtay in uu ku sigtay in uu sameeyo khalad kooxdiisa ay ku waayi laheyd guushii 1-0 ahayd ee ay ka gaareen Tottenham Hotspur fiidnimadii Khamiista.
Maresca ayaa sameeyay isbeddello daafac ah daqiiqadihii ugu dambeeyay, isagoo aan ka warqabin in lagu daray ciyaarta 12 daqiiqo oo waqti dheeri ah.
“Waxaan abuurnay fursado badan qeybtii hore, laakiin si daacadnimo ah, khaladkayga ayuu ahaa sababtoo ah waxaan sameeyay isbeddel kahor intaanan arkin waqtiga dheeriga ah,” ayuu Maresca u sheegay wariyeyaasha.
“Markii aan arkay in 12 daqiiqo lagu daray, waan garwaaqsaday in ay ahayd go’aan deg-deg ah in isbeddeladaasi la sameeyo. Laakiin nasiib wanaag, waan badinay ciyaarta, waxaana nahay kuwo faraxsan.”
Iyada oo ay daqiiqaduhu sii socdeen, Maresca wuxuu beddelay Cole Palmer iyo Enzo Fernandez, isagoo keenay daafaca Tosin Adarabioyo iyo khadka dhexe ee difaaca Kiernan Dewsbury-Hall.
Isbeddelkaas ayaa u suurta geliyay Tottenham inay si xoogan u weeraraan iyaga oo raadinaya goolka barbaraha muddadii dheeriga aheyd ee ciyaarta lagu daray.