Maamulaha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in laba xiddig oo ka tirsan kooxdiisa ay weydiisteen inay ka tagaan kooxda Premier League marka uu furmo suuqa January.
Ben Chilwell iyo Carney Chukwuemeka oo si dirqi ah uga soo dhex muuqday shaxda Maresca xili ciyaareedkaan, ayaa dalban doona in ay kooxda ka tagaan suuqa January.
Chilwell ayaa ciyaaray kaliya 45 daqiiqo tartanka Carabao Cup xilli ciyaareedkan oo dhan, halka Chukwuemeka hal kulan uu ku soo bilowday tartanka UEFA Conference League olahaan.
Maresca oo ka hadlayay ka hor safarka Chelsea ee axada ayaa yiri: “Waxaa jira ciyaartoy nasiib daro aan in badan nala ciyaarin tartamada oo dhan, sida Chilwell iyo Carney.
“Malaha waa kuwa ugu horreeya ee doonaya inay baxaan sababtoo ah waxay maalin kasta rabaan inay ciyaaraan mana heli karaan fursadaas “ayuu yiri Maresca.
Ciyaaryahan kasta wuxuu leeyahay xaalad gaar ah, marka uusan si joogta ah u ciyaareyn waxa ugu muhiimsan waa inuu diiradaa saaraa sidii uu u ciyaari lahaa.