Saddex kooxood oo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ah ayaa isku dayay inay la saxeexdaan laacibka da’da yar ee reer Brazil ee Endrick ka hor intii aanay heshiiska la gaadhin Real Madrid oo xagaaga uu ka degi doono marka ay da’diisu noqoto 18 jir.
Endrick oo 17 jir ah ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay waddanka Ingiriiska isaga oo ka mid ah xiddigaha xulka qaranka dalkaas ee Sabtida la ciyaaraya xulka England oo garoonka Wembley Stadium ay ciyaar saaxiibtinimo isku arki doonaan.
Markii ay da’diisu ahayd 15 jir ayuu Endrick soo jiitay kooxaha waaweyn ee Yurub, isaga oo markii uu 16 jir noqdayna usoo dallaca kooxda koowaad ee Palmeiras oo uu ka noqday ciyaartoy laf-dhabar ah.
December 2022 ayay Real Madrid la gaadhay heshiis laacibkan, iyadoo £52 milyan oo Gini u shubaysa kooxda reer Brazil, balse da’diisa oo ahayd 16 jir ayaa ku qasabtay Madrid inay ogolaato inuu usii ciyaaro Palmeiras illaa inta ay da’diisu noqonayso 18 jir, taas oo ka dhigan inuu si rasmi ah uga mid noqon doono ciyaartoyda Real Madrid marka la gaadho July 2014.
Wakiilka Endrick oo lagu magacaabo Frederico Pena oo waraysi siiyey wargeyska The Telegraph ayaa waxa uu sheegay in saddex kooxood oo Premier League ah iyo PSG ay si weyn u doonayeen Endrick laakiin ay ku qanceen Real Madrid.
“Dadka kubadda cagtu mar horeba way yaqaaneen Endrick, laakiin markii ay noo yimaaddeen kooxah Manchester City, Liverpool, Paris Saint-Germain, Chelsea iyo dabcan Real Madrid ayaa aad loosii bartay.” Ayuu yidhi Pena.
October 2022 kooxda reer London ee Chelsea ayaa waxa ay waalidiinta Endrick ku casuuntay garoonkeeda tababarka ee Cobham, halkaas oo ay kula kulmeen Thiago Silva, Jorginho iyo Cesar Azpilicueta oo isku dayey inay ku qanciyaan in wiilkooda Endrick uu yimaaddo Chelsea.
Si kastaba ha ahaatee, Endrick ayaa doortay inuu ka garab ciyaaro xiddigaha ay isku waddanka yihiin ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes, sidaas ayaanu gacanta ugu galay Real Madrid.