Goolhayaha Manchester City, Ederson, ayaa doortay ciyaaryahanka uu jeclaan lahaa inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2024.
Ederson ma uusan xusin saaxiibkiisa kooxda City ee Rodri, kaas oo ka mid ah ciyaartoyda loo saadaalinayo abaalmarinta.
Balse, 31-jirkaan waxa uu doortay, taageerana u muujiyay wiilka ay isku waddanka yihiin ee Vinicius Junior, in loo caleemo saaro ku guuleysiga abaalmarinta 28-ka October.
Isagoo la hadlay TNT Sports Brazil, Ederson ayaa yidhi, “Waxaan jeclahay in Vini Jr uu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.”
“Waxaan rajeynayaa inuu ku guuleysto sababtoo ah wuu u qalmaa ka dib bandhig ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay.”
arrintan ayaa dad badan la yaab ku reebtay kadib markii Ederson iska indhatiray waxqabadka saaxiibkiis Rodri.
Illaa iyo hadda lama hubo cidda sida saxda ah loogu saadaalinayo abaalmarintan muhiimka ah.
Illaa iyo hadda lama hubo cidda sida saxda ah loogu saadaalinayo abaalmarintan muhiimka ah hhhhhh iwad sheekada