Didier Drogba ayaa sheegay sida looga hortagi karo halista koornooyinka Arsenal ka dib markii ay guulo waaweyn ku gaareen xilli ciyaareedkan.
Ma jirto koox Yurub ah oo la barbar dhigi karo Arsenal oo 22 gool ku dhalisay kubadaha koornooyinka ah tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore.
Awoodooda koornooyinka ayay si buuxda usoo bandhigeen intii lagu guda jiray guushii ay ka gaareen Manchester United bartamihii isbuucaan, iyadoo Jurrien Timber iyo William Saliba labaduba ay dhaliyeen kubado koorno ka yimid.
Taageerayaasha Emirates-ka ayaa ku riyaaqay awooda koornooyinka kooxdooda, iyaga oo ku dhawaaqayay yaa na celin kara kulankii Man Utd.
Amaanta ugu badan ee koornooyinka Arsenal waxaa leh tababare Nicolas Jover, Bukayo Saka iyo Declan Rice.
Si kastaba ha ahaatee, Drogba wuxuu aaminsan yahay in xalka koornaha Arsenal uu yahay mid fudud.
Isagoo arinkaan ka hadlayay weeraryahankii hore ee Chelsea ayaa kula taliyay in ciyaaryahan la dhigo meel 10 mitir u jirta dhanka koornada si uu u hor istaago fursada ay heli karaan ciyaartooyda kale.
Wuxuu ku daray hadalkiisa “waa inuu goolhayaha la tacaalo kubadaha dabacsan ee daafacyadu arki karin.
Arsenal ayaa xili ciyaareedkaan ah kooxda ugu halista badan kubadaha koornooyinka ah, iyagoo goolal muhiim ah ku dhaliyay.