Bournemouth ayaa Arsenal u gacan galisay guuldaradii ugu horaysay ee xiliciyaareedkaan iyada oo qaybtii danbe ee ciyaarta ay labada gool u kala dhaliyeen Ryan Christie iyo Justin Kluivert oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku badisay kooxda martida loogu ahaa ee Vitality Stadium.
Natiijadan ayaa la macno ah in Manchester City ay tahay kooxda kaliya ee guuldaro la’aanta ah Premier League xilli ciyaareedkan.
Shabakada xogaha ee Opta ayaa baahisay rikooradii laga diiwaan galiyay kulankii Bournemouth iyo Arsenal Premier League ee goorhdaw soo dhamaaday.
> Tan iyo kulankii ugu horeeyay ee Mikel Arteta uu hogaamiyo Arsenal 2019, Gunners ayaa la siiyay 18 kaar oo casaan ah Premier League, ugu yaraan waa in shan ka badan kooxaha kale.
> Bournemouth ayaa gaartay guusheedii labaad ee abid Premier League oo ay ka gaarto Arsenal waa tii ugu horeysay tan iyo Janaayo 2018.
> Arsenal ayaa la kulantay kaliya guuldaradii labaad ee Premier League sanadka 2024, iyo guuldaradii ugu horeysay ee banaanka ah sanadkan, guuldaradii hore waxay kala kulmee. Fulham December 2023.
> Arsenal ayaa laga dhaliyay 2+ gool seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay Premier League, tani waxay muujinee in heerkooda difaaca liito.