Manchester United ayaa guuldarro culus oo 4-0 ah kala kulantay Liverpool kulankii 11-aad ee horyaalka Premier League, iyadoo goolasha Liverpool ay kala dhaliyeen Szoboszlai, Wirtz, Ngumoha, iyo Munoz.
Sida ay sheegtay shabakadda tirakoobka ee Opta, United ayaa markii ugu horreysay taariikhda Premier League guul la’aan ah sagaal kulan oo xiriir ah. Guud ahaan, markii u dambeysay ee ay kooxdu xaaladdan oo kale gasho waxay ahayd xilli-ciyaareedkii 1989/90.
Tan iyo markii la bilaabay Premier League, muddadii ugu dheerayd ee ay United guul la’aan ahayd waxay ahayd siddeed kulan oo xiriir ah, intii u dhexeysay 1-dii Abriil ilaa 16-kii May 2025. Muddadaas waxay galeen laba barbarro iyo lix guuldarro, ka hor inta aysan 2-0 kaga badinin Aston Villa kulankii 38-aad.
Ka hor xilligaas, guul la’aantii ugu dheerayd ee kooxda waxay gaartay 11 kulan oo xiriir ah, intii u dhexeysay 25-kii Nofeembar 1989 ilaa 3-dii Febraayo 1990, iyagoo markaas diiwaangeliyay shan barbarro iyo lix guuldarro.