Daafaca kooxda Arsenal iyo xulka qaranka Talyaaniga, Riccardo Calafiori, ayaa la xaqiijiyey inuu dhaawac ka soo gaaray seedaha jilibka, taasoo aan u ogolaan doonin inuu ka qeyb qaato kulamada soo socda ee kooxdiisa iyo xulkiisa.
Calafiori, oo 22 jir ah, ayaa ku dhaawacmay ciyaartii ay Italy 2-1 kaga hortagtay Germany ee UEFA Nations League, kadib markii uu si xun u dhaawacay jilibkiisa waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta. Inkastoo uu ciyaarta dhammeystay, baaritaanno caafimaad ayaa muujiyey inuu qabo dhaawac heerka koowaad ilaa labaad ah oo soo gaaray seedaha dhinaca ee jilibka.
Dhaawacan ayaa la filayaa inuu Calafiori illow siiyo garoomada muddo labo ilaa saddex toddobaad ah, taasoo ka dhigan inuu seegi doono kulamada muhiimka ah ee Arsenal iyo lugta labaad ee ciyaarta Germany ee Dortmund.
Calafiori ayaa horey uga soo kabsaday dhaawacyo jilibka ah, isagoo 16 jir ah ayuu dhaawac halis ah soo gaaray.Wuxuu ku qaatay sagaal bilood inuu ka soo kabsado dhaawacaas. Tan iyo markii uu ku biiray Arsenal xagaagii hore, wuxuu ka maqnaa ciyaaro dhowr ah sababo la xiriira dhibaatooyin jilibka ah.
Tababaraha xulka Talyaaniga, Luciano Spalletti, ayaa xaqiijiyey in Calafiori uu dareemay “wax aan caadi ahayn” jilibkiisa kadib dhaawaca, waxaana la sameyn doonaa baaritaanno dheeraad ah si loo ogaado xaddiga dhaawaca.
Arsenal iyo taageerayaasheeda ayaa rajeynaya in Calafiori uu si degdeg ah uga soo kabsado dhaawacan, maadaama uu yahay ciyaaryahan muhiim u ah difaaca kooxda.