Weeraryahankii hore ee Liverpool, Stan Collymore, ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan xiddigaha Manchester United hadda jooga la iibiyo haddii la doonayo in kooxdu dib usoo laabato.
Waxa uu ku dhiiri galiyay tababaraha cusub ee Red Devils, Ruben Amorim, inuu iibiyo inta badan kooxdiisa haatan si uu mustaqbalka guulo ugu gaaro shaqadiisa cusub.
Red Devils ayaa ku qarash gareyn doonta 180 milyan ginni ciyaartoyda cusub suuqa xagaaga, waxaana la filayaa inay wajiyo cusub uu la yimaado tababare Amorim.
Isagoo la hadlayay shabakadda Caught Offside, Collymore wuxuu sheegay in Amorim uu ku guulaysan doono shaqada tababare ee Manchester United haddii si sax ah ay u taageeraan madaxda kooxdiisa.
Waxa uu yiri “Waxaan u maleynayaa in haddii uu dabeysha ku daro dhamaan ciyaartooyda hadda joogta uu heli doono nidaam cusub oo uu isaga ku guuleysan karo.
Waxaan u maleynayaa in ciyaaryahan Casemiro, Amad Diallo, Marcus Rashford ama mid kasta oo kale waqti xaadirkaan uusan ku habooneyn nidaamka Amorim.
Tababaraha cusub waa inuu helaa 15 ilaa 20 ciyaarood oo uu kasoo xusho shaxdiisa rasmiga ah ee Man Utd “ayuu hadalkiisa raaciyay Weeraryahankii hore ee Liverpool, Stan Collymore.