Xaaska Andre Onana oo lagu dhacay carwo makhaayad horteeda ah, dhacdadan nin ayaa lagu soo qabtay waxaana lagu furay dacwad tuuganimo oo boorso iyo saacad qaali ah oo qiimahoodu yahay £62,000.
Melanie Kamayou, oo ah xaaska goolhayaha Manchester United ee Andre Onana, ayaa laga xaday laba shay oo qaali ah.Dhacdadan waxey ka dhacday bannaanka makhaayad Talyaani ah.
Kamayou ayaa ku sugneyd deegaanka Alderley Edge – oo loo yaqaanno ‘Knightsbridge-ka waqooyiga’ – markaasoo laga xaday boorsadeeda Hermes Birkin iyo saacad Rolex ah. Hantidaas ayaa la rumeysan yahay inay ku kacaysay in ka badan £62,000 (€73,000/$80,000) waxaana laga qaaday baarkin ku yaalla gadaasha makhaayad cunto oo maxalli ah, taariikhdu markay ahayd Maarso 29.
Nin 25 sano jir ah oo la yiraahdo Liam Ross ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta tuuganimada hantidan qiimaha sare. Waxaa la filayaa inuu kasoo hormuuqdo maxkamadda Chester bisha soo socota. Kamayou ayaa caan ku ah qaab nololeedkeeda raaxada ah, iyadoo si joogto ah loogu arko baraha bulshada iyadoo la sawiran boorsooyin qaali ah iyo seygeeda, laacibka qaranka Cameroon Onana.
Kamayou iyo Onana waxay is guursadeen 2023 waxayna UK u soo guureen markii uu Onana heshiis rasmi ah ugu biiray kooxda Manchester United, isagoo ka yimid Inter Milan. Kamayou waxay ku sheegtay barteeda Instagram in ay tahay “hooyo, haweeney ganacsato ah oo jecel u gargaaridda masaakiinta.”