Mikel Arteta ayaa ku eedeeyay mid ka mid ah ciyaartoydiisii hore ee Arsenal inuu “dhabarka ka toogtay,” kaddibna ogolaaday isaga oo ku biiraya Chelsea, oo ah koox ay Arsenal si weyn u xafiiltamaan.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa soo maray waqti xasaasi ah intii uu ku sugnaa Arsenal, kaddib markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund heshiis rikoor ah oo qiimihiisu ahaa £56 milyan.
Weeraryahanka reer Gabon ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkaas si xooggan, isagoo dhaliyay 31 gool dhammaan tartamada xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, taasoo u suurtagelisay inuu qayb ka noqdo abaalmarinta kabta dahabka ah ee Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, Aubameyang wuxuu hoos uga dhacay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa, isagoo khilaafay tababare Mikel Arteta. Bishii March 2021, Arteta ayaa ka reebay Auba ciyaarta North London Derby, isagoo ku sababeeyay “dhibaatooyin anshaxeed.” Khilaafkii ayaa sii socday ilaa Arteta uu ka qaaday kabtan-nimada bishii December isla sanadkaas, isagoo u fasaxay inuu kooxda ka tago bishii Janaayo.
Aubameyang ayaa ugu dambeyntii ugu biiray Barcelona si bilaash ah, laakiin wuxuu si lama filaan ah ugu soo laabtay Premier League sagaal bilood kaddib, isagoo ku biiray Chelsea.
Si kastaba ha ahaatee, Aubameyang ayaa ku dhibtooday Blues, isagoo kaliya hal gool dhaliyay 15 kulan oo horyaalka ah kahor inta uusan kooxda ka tagin. Waqtiga xaadirkan, Aubameyang wuxuu u ciyaaraa kooxda Al Qadsiah ee horyaalka Saudi Pro League.
Markii uu dib uga sheekeeyay dhammaadkii waayihiisii Arsenal, Aubameyang wuxuu sheegay inuu ka yaabay eedaha loosoo jeediyay ee ahaa “dhibaatooyin anshaxeed,” maadaama mid ka mid ah maqnaanshihiisa ay sabab u aheyd arrimo shaqsiyeed.
“Markii aan soo laabtay, tababaraha ayaa dhammeeyay kulankiisa, kaddibna wuxuu ii yeeray asagoo hadal kulul igu dhahaya,” ayuu Aubameyang ku yiri wareysi uu siiyay Colinterview.
“Wuxuu igu qayliyay sidii qof waalan, wuxuuna yiri, ‘Dhabarka ayaad iga toogatay. Waxaas iguma sameyn kartid iyadoo aan ku jiro xilli adag.’
“Markaas ayaan is iri ha u jawaabin sababtoo ah xaaladdu waxay noqon doontaa mid sii xumaata. Kuma aanan maqnaan wax xaflado ah.
“Wuxuu si fiican u ogyahay sababta aan u maqnaa, sidaa darteed ma fahmin sababta uu sidaas iigu eedeeyay markaas.”