Tababaraha kooxda FC Barcelona, Hansi Flick, ayaa xaqiijiyay in difaaca Ronald Araújo iyo garabka weerarka Raphinha aysan ka qeyb qaadan doonin kulanka horyaalka La Liga ee ay la ciyaari doonaan Osasuna. Sababta uu Flick u sheegay waa safarrada dheer ee ay ciyaartoydan ka soo laabteen iyo baahida ay u qabaan nasasho.
Araújo ayaa si gaar ah uga soo duulay Bolivia, halkaas oo uu ku sugnaa isagoo u ciyaarayay xulka qarankiisa. Inkastoo uu dadaal dheeraad ah sameeyay si uu ugu soo laabto Barcelona waqti hore, Flick wuxuu go’aansaday inuusan ku darin safka ciyaarta soo socota.
Flick ayaa sidoo kale muujiyay inuu ka xun yahay jadwalka kulamada, isagoo xusay in horyaallada kale ay si ka duwan u maareeyaan xaaladaha noocaan ah, taasoo u oggolaanaysa kooxaha inay si fiican u ilaashadaan ciyaartoydooda.
Iyadoo ay jiraan caqabado la xiriira maqnaanshaha ciyaartoydan muhiimka ah, Flick wuxuu cadeeyay in kooxda ay si buuxda ugu diyaar garowday kulanka, una hanqal taagaysa inay hesho saddexda dhibcood ee muhiimka ah ee tartanka horyaalka.