Tababaraha xulka qaranka Spain ayaa soo saaray liiska kama dambaysta ah ee xulka qaranka dalkiisa ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2024 ee ka dhacay waddanka Germany, waxaana uu liiskiisii hore ee hordhaca ahaa ka saaray ciyaartooyo dhawr ah oo uu ku jiro dheemanka Barcelona ee Cubarsi.
Tababare Luis de la Fuente ayaa shaaciyey liiska xiddigihiisa uu ugu dagaallamayo sidii ay usoo afjari lahaayeen tartanka ay ka qatan yihiin 12ka sannadood, waxaase uu ka saaray Aleix Garcia, Llorente iyo Cubarsi oo ku jiray liiskii hore ee hordhaca ahaa.
Luis de la Fuente ayaa hore usoo saaray liis ka koobnaa 29 ciyaartoy oo ay dheeraad ku ahaayeen saddex ciyaartoy, waxaana uu go’aansaday in Vivian iyo Ayoze uu ku dhegsanaado isla markaana uu booska ka saaro Cubarsi oo hadda loo qaadan doono ciyaaraha olombikada.
Halkan kaga bogo liiska xulka qaranka Spain
Goolhayeyaal: Unai Simón (Athletic Club), David Raya (Arsenal) and Alex Remiro (Real Sociedad).
Difaacyahanno: Jesús Navas (Sevilla), Robin Le Normand (Real Sociedad), Alejandro Grimaldo (Bayer Leverkusen), Dani Carvajal and Nacho Fernández, Marc Cucurella (Chelsea), Aymeric Laporte (Al Nassr) and Daniel Vivian (Athletic Club).
Khadka Dhexe: Rodri Hernández (Manchester City), Martín Zubimendi and Mikel Merino (Real Sociedad), Fabián Ruiz (PSG), Alex Baena (Villarreal), Pedri and Fermín López (FC Barcelona).
Weerarka: Lamine Yamal and Ferran Torres (FC Barcelona), Álvaro Morata (Atlético de Madrid), Mikel Oyarzabal (Real Sociedad), Nico Williams (Athletic Club), Joselu (Real Madrid), Dani Olmo (RB Leipzig), and Ayoze Pérez (Betis).