Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa si adag uga jawaabay canaanta loogu jeedinayo naqshadda cusub ee garamada uu xulka qaranka dalkaasi kula dheeli doono Brazil maalinta Sabtida, iyadoo madaxda iyo taageerreyaasha dalkaasi ay dalbanayaan in la beddelo garamadaas.
Ra’iisal wasaaraha waddanka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa ka adkaysan kari waayey garamada cusub ee xulka England uu u diyaarsaday ciyaarta Brazil, waxaana uu ku baaqay in la kansalo oo garamadii hore lagu ciyaaro.
Taageereyaasha kubadda cagta ayaa sidoo kale taageereyaasha kubadda cagta Ingiriiska iyo ciyaartoydii hore ayaa su’aal geliyey garamadan oo ay sheegeen in isbeddel lagu sameeyey calaamaddii qaranka ee calanka iyo waxyaabo kale.
Laakiin xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in sababta garamadan cusub ee uu xulku ku ciyaarayo ay naqshadda cusub uga dhigeen ay tahay inay ku maamuusayaan guushii 1966kii uu xulka dalkaasi ku qaaday Koobka Adduunka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi sidan: “Garamada cusub ee kulamada horyga ee xulka England uu ku ciyaarayo sannadkan 2024, waxa ay leeyihiin tiro naqashado ah oo waxyaabo kala duwan lagu naqshadeeyey, waxaanay ujeeddadu tahay in lagu maamuusayo xulkii ku guuleystay Koobkii Adduunka 1966kii.
“Midabka hoose ee ku dhax jira dharku waxa uu inna soo xasuusinayaa garamadii ay xidhnaayeen geesiyadii England ee 1966kii.”
Si kastaba ha ahaatee garamadan ayaa dood ka abuuray waddanka Ingiriiska, waxaana cambaaraynta ugu weyn ay ka timid Ra’iisal wasaare Rishi Sunak.