Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu ka tegay laacibkeeda da’da yar ee Peter oo dhawr jeer u ciyaaray kooxda koowaad, kaas oo amaah iib wadata ugu wareegay naadiga reer Spain ee Valencia.
Real Madrid ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay, in Peter uu ka degay Valencia oo ku qaadatay amaah uu la socdo iib jaban oo laacibkan ka dhigaysa ciyaartoy rasmi ahaan uga tirsanaan doona Valencia marka uu dhamaado waqtigiisa amaahdu balse waa haddii ay Valencia dhaqan-geliso qodobka iibka.
Warbaahinta ayay Valencia usoo bandhigtay markii ay dhamaystirtay saxeexa Peter, waxaana uu ku sugnaan doonaa illaa bisha June, hase yeeshee waxay si rasmi ah ugu iibsan karayaan lacag dhan €2 milyan oo Euro.
Real Madrid ayaa heshiiska Peter ku dartay, in haddii Valencia ay si rasmi ah u iibsato in ay yeelanayso 50% xuquuqda laacibkan.
Usbuucyadii ugu dambeeyey ayaa waxa labada kooxood u socday wada-xaajoodyo ku saabsan heshiiska laacibkan oo ugu dambayntii maanta lasoo afjaray.
Peter oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Real Madrid ayaa kooxda koowaad u dheelay markii ugu horreysay xilligii uu Zidane tababaraha ka ahaa, gaar ahaan December 2021, waxaana uu u saftay saddex kulan oo horyaalka ahaa oo ay kooxda koowaad la dheeshay Athletic Bilbao, Getafe iyo Levante.