Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoygii ugu wanaagsanaa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga xilli-ciyaareedkii hadda dhamaaday ee 2023/24.
Jude Bellingham oo xagaagii hore ay Real Madrid kasoo iibsatay Borussia Dortmund ayaa soo qaatay xilli-ciyaareed aad u wanaagsan oo uu u dhaliyey 19 gool oo horyaalka ah iyo lix uu caawiyey, waxaana uu naadigiisa door muhiim ah uga qaatay guushii horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan, guushii Spanish Super Cup iyo sidoo kale finalka Champions League ee ay hadda taagan yihiin oo ay Sabtida la dheeli doonaan Borussia Dortmund.
20 jirkan reer England ayaa waxa uu abaal-marinta xiddiga sannadka ku garaacay Weeraryahanka ay isku kooxda yihiin ee Vinicius Junior, Antoine Griezmann oo ah hoggaamiyaha Atletico Madrid, Isco oo bandhig heersare ah ka samaynaya kooxdiisii hore ee Real Betis iyo laacibka reer Ukraine ee Dobryk oo isagu ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoygii ugu goolasha badnaa horyaalka Spain ee LaLiga.